Qodobka labaad

XORAYN

Iyo Ciise Masiix, oo ah wiilkiisa madiga ah, Sayidkeenna, oo Ruuxa Quduuska ah laga uureystay, oo uu ka dhashay Maryan oo cadrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilatos, oo saliibka lagu qodbay, oo uu geeriyooday lana aasay. Galay cadaabka, oo maalintii saddexaad ka soo sarekacay dhimashadii, loona dheelmiyay samada, oo uu fadhiyo Eebbe midigtiisa, oo ah Aabbaha Qaadirka ah, oo halkaas uu ka imaan doono inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Waa maxay tan macnaheedu? Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix, oo ah Ilaah run ah, oo ka dhashay Aabbaha daa’inka ah, iyo qof run ah, oo ka dhashay Maryan oo cadrad ah, in uu yahay Rabbigayga, kaasoo aniga i xoreeyay, anoo ahaa qof lumay oo baadiyaysan, oo dhiigiisa qaaliga ah igu baddalay si aan uga guuleeysto denbiyada oo dhan, dhimashada, iyo shaydaanka awoodiisa; taasna kuma aanan helin dahab ama qalin, waxaanse ku helay fadliga dhiiggiisa qaaliga ah ee Qudduusan iyo siliciisii iyo dhimashadiisii uu ii dhintay isagoo aan dembi lahayn, in aan ahaado mulkigiisa, oo aan ku hoos noolaado isaga iyo boqortooyadiisa, oo aan ugu adeego isaga waligay xaqnimo, daacadnimo, iyo barakaysnaan, si la mid ah siduu uga sarakacay dhimashada, ee uu u nool yahay, una boqranaan doono waligii. Tanu waa run aad loo hubo.