SABUURRADII 1

Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.

Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.

Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.

Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.

Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.

Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi’i doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.