Masaalkii Beerralayda iyo Abuurka!!

Ciise wuxuu saarnaa doon asagoo dadka wax baraya maalmo jawi degan,si fudud ayay u maqlayeen dadkii
hareeraha warta biyaha agteeda joogay oo dhan.
Masaalkaan waxaa laga wadaa beeralaydu waa qofka Injiilka ku wacdiya,abuurkuna waa fariinta runta ah ee illaah,beertuna waa Adduunka,marka kan wax wacdiyaa waa sida mid wax abuura sida abuurka beeraha amaba marqaatifure oona ka hadla wuxuu arkay.

Beeralaydu wuxuu abbuurkiisii ku qaatay boorso ama jawaan(Markoos 4:4) wax baradii Ciise waxay ahayd sida abbuur oo kale,abbuurkaas oo ku dhacaaya dadka qalbiyadoodu furanyihiin,markaas qalbiyada furan micnaheedu waa qalbiyaada markay wax run ah arkaan aqbalaan,qalbiyada xiran waxay lamid yihiin meel carro xun oo aan wax kasoo bixin.

Kadib ayaa Ciise u faahfaahiyey xertiisa Masaalkiisii(erayadii maldahnaa ama qarsoonaa):

1. Qalbiyada Qaar ka mid ah way adag tahay sida carrooyinka qaar,Ma qaadan karaan injiilka Ciise Masiixi,Waayo dhulka waa adayg oo waxba kama soo baxi karaan.
2. meelaha Rocky( Meel dhagaxyo leh) macnaheedu waa qalbiyada qaar waxay wax u qabtaan si degdeg ah balse waxay wax u iloobaan si deg deg ah,Abbuurku si deg deg ayuu ku koraa dhagaxyada korkooda,waayo carradu meeshaas wey ku yartahay oo qorraxdu markay so baxddo wey qalajisaa, Abuurkii,taasi waxay la micna tahay marka shaydaanku imaado ee fariintii qofkaas qalbigiisa lagu beeray uu ka qaado. (Markoos4:15). .
3. Abuurka beeralaygu uu Abbuuray ee ay qodxuhu ceejiyeen macnaheedu waxa weeye dadka damacyada badan oo wax badan qalbiyadooda ka buuxaan kuwaasoo aan ilaahey aan wax shaqo ku lahayn.

Saddex wax yaalood oo nafta col ku ah : Iimaanka Curdunka ah (Matayos 19:22):

a) doonista wax yaabo badan ee Dunida
b), jacaylka lacagta
c) Raadinta raaxaysiga iyo guul jeclida (1 Yooxanaa 2:16).

4. Abuurka lagu beeray dhulka wanaagsan waa sida qalbi furan oo runta helay ciidu aad bay dhulka hoos ugu jirtaa oo Abbuurku siibmi maayo,waayo carrada sifiican ayaa loo diyaariyay,markaasay dalag wanaagsan soo saartaa.
Dallagu waa nolosha cusub ee illaah laga helo marka rumaysad sax ah lala yimaado,taasna waxaa daba socdo shuqullo wanaagsan iyo camal saalix ah.Marka camallada saalixa ah ama shuqullada wanagsani waa marka aan dadka kale Injiilka gaarsiino ama aan siino Kitaabka quduuska ah ee Bibleka si ay u akhristaan.

dadka qaarkiis ma ay dhagaysan doonaan mana ay garan doonaan,halka kuwa kale ay si degdeg ah ku maqlaan oona ay u raaci doonaan Sayid Ciise,laakiinse waa kuwo si fudud u qalbi jaba-sababtoo ah Iimaankoodu waa daciif.
qaar kale sidoo kale si farxad leh ayay ku raacayaan Jidka sayid Ciise Masiixi
Balse wax yar kadib jidka ayay ka lumaan waayo waxay doonaayaan fikrado cusub iyo waxyaabo cusub inay samaystaan,sidaas darted arrintaas Ciise Masiixi wuu ka digay,oo wuxuu yidhi hadaadnaan garan Masaalkaan kuwa kale ee Markoos ku qorana ma aad garan doontaan (Markoos 4:13).

Tani waa waxa Nebi Ishacyaah ka digay ee ku qoran qorniinka quduuska ah Axdigii Hore (Ishacyaah 4:12; Ishacyaah 6: 9,10). Laakiin dadka waxyaalahaan maqla ee garta,waxay ku noolan doonaan nolol miro dhal leh ee boqortooyada Ilaahay (Ishacyaah 4:20). Masaalkani wuxuu na tusayaa dadka badbaadaya iyo kuwa lumaya.
Waxa ay muujinaysaa waxa ku dhacaya dadka aan sida taxadarka leh u dhagaysan runta Ilaah. Laakiin dad badan ma fahmi doonaan waxyaalahaan. Laakiin ha qalbi jabinina,waayo, waxaa jiri doona miro wanaagsan ama natiijooyin wanaagsan ee xagga wacdiska kasoo bixi doona,waayo dadku waxay aqbali doonaan Ciise Masiix weyna helaan erayga Ilaah (Markoos 4:20).
Ciise waa sida laambad, Waa in,kor loo qaadaa si dadku oo dhanu u arkaan nuurka runta ah ee Ilaah (Yooxaanaa 4:22; Yooxanaa 1: 4,5).

Barakada aad heshay wax ka sii kuwa kale (dadka kale)iftiinka ilaah ee runta ah ayaa barakayn doona dadka kale iyo waxyaabaha kale oo dhan adiguna in badan ayaad heli doontaa. (Markoos 4:24).

Walaalayaal Qalbiyadeena aan furno marka runta naloo sheego.
RAbbigu hana barakeeyo.Aaamiin
Waa walaalkiin Raage oo Idin Jecel Magaca Ciise Masiixi Dartiis.

1 thought on “Masaalkii Beerralayda iyo Abuurka!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.