Ciise wuxuu yiri waxaaa jira labo boqortooyo,amaba laba ruux adduunka!

boqortooyada Ilaah taas oo ah jacaylka iyo iftiinka, iyo boqortooyada shaydaanka taas oo ah gudcur iyo shar. jinniyadu ama Shaydaanku runta wey neceb yihiin oo waxay weeraraan Addoomada Eebe.
Tani waa sababta Ciise u baray xertiisa inay tukadaan, ‘Ilaahow naga xijaab kan sharka leh (Mataayoos 6:13). Boqortooyada Ilaah Xumaanta waa laga adkaaday iyo shaydaanka,cafisna waa la helay (Markoos 3:28).

Laakiin ninka ruuxa quduuska ah shar uga hadla cafis malahan (Markoos 3:29), waayo faarisiintu waxay ku hadleen wax ka gees ah ruuxa Masiixa (Markoos 3:30).
Shaydaanku waa ‘ninka xoogga leh’ ee masaalka Ciise (Markoos 3:27). Wuxuu ku xiraa qofka dembiyo, si uu asaga addoon ugu noqdo.
Laakiin Ciise waa ka itaal badan yahay Shaydaanka. Ciise wuxuu u yimid inuu ninka xooga leh xiro oo uu maxaabiistiisa sii daayo oo xor ka dhigo.

Ciise sidoo kale Jinniyo badan ayuu dad ka bixiyey si uu boqortooyada shaydaanka dib ugu riixo weliba si lacag la,aan ah ayuu dadka ku xoreeyey Ciise,oo weliba wuxuu u imaaday inuu u dhinto dadka dembiyadooda si uu xor uga dhigo dadka (Galatiya 3:22).

Weliba shaydaanka keliya ma ahee kuwa hogaamiyaasha diinta iska dhiga ee dadka xir xira oo cadaadiya ayuu ka xarooyey dadka (Galatiya 3:23).

Walaalayaal Illaah hanaga dhigo kuwa xornimada Ciise Masiixi ka faa,idaysta,oo aan u xirxirnaan shaydaan iyo kuwa hogaamiye diimeedyada ah.
Balse Rabbigu hanaga dhigo kuwa raxmadiisa iyo naxariistiisa isku haleeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.