CIISE WUXUU UGU YEERAY DAD SHAQEYSANAYA INAY ASAGA RAACAAN!

Ciise Wuxuu kusocday meel ka dambaysa bada Galalii,wuxuuna arkay labbo walaalo ah, Simocoon iyo Aandaruus,ayagoo ku tuuraya shabagooda ay kalluunka ku dabtaan badda ama warta (Markoos 1:16).
Ciise wuu u yeeray,oo wuxuu ku yiri kaalaya oo isoo raaca!wuxuu doonayay Ciise inuu baro boqortooyada illaah.xusuuso Ciise wuxuu u yeeray dad caadi ah oo shaqaysanaya inay asaga raacaan.
Marka inay joojiyeen kalluumaysigoodii asagana raaceen,waxay ahayd muhiim in la aqbalo wicitaanka ciise si welibaba si weliba degdeg ah , oo weliba iimaan ku jirro .

wuxuu siiyey balan qaad kuwaan kalluumaystayaasha ah,oo wuxuu yiri waxaan idinka dhigi doonaa kuwo dadka daba ama qabtasida kalluunka (Markoos 1:17). Waxay doonayeen inay Ciise caawiyaan si dad looga soo badbaadiyo dembiyadooda.
Aandaruus wuxuu ahaa mid ka mid xertii Yooxaanaa,oo wuxuu ka tagay yooxaanaa wuxuuna raacay Ciise .kadibna Aandaruus dib ayuu u laabtay oo wuxuu walaalkiis Simicicoon u sheega “waxaan helnay kii subkanaay ( Masiixa)” (Yooxaanaa 1:40,41). Simicoon wuxuu rumaystay Ciise inuu yahay Masiixa.

OO sidaas ayaa Simicoon ku noqday mid ka mid ah xertii aad ugu dhowayd Ciise Masiix.kadib,
Ciise wuxuu ku yiri Simicoon”magacaagu wuxuu ahaan doonaa keefaas “ waxayna la micna tahay sida Butroos oo kale,luuqada gariigana waxay ka macne tahay Jambaloow ama dhagax.(Yooxaanaa 1:42).
Waaxaa Markoos baray boqortooyada Illaah Butroos, oo wuxuu baray wax kasta oo uu ka bartay Rabbi Ciise Masiixi ayuu asna Baray.
Ciise wuxuu kale oo uu u yeeray, Filiboos,oo Filiboos wuxuu weydiiyey Nataanaeel inuu la kulmo ciise masiix uuno noqdo xertiisa ( Yooxaanaa 1:43-49).
Nataanaeelna wuxuu ku yiri Ciise”waxaad tahay wiillka illaah,oo ah boqorka reer Israaiil
( Yooxaanaa 1:49).

Dabcan wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey oo gartay runta kusaabsan Ciise inuu yahay wiilka illaah,kadib Yooxaana babtiistaha ayuu ahaa qofkii kale ee garta ama sheeegay inuu ahaa Ciise wiilkii Illaah.Ciise kadibna wuu xaqiijiyey markii malaa,igaha illaah ay ka hadleen
(Yooxaanaa 1:51).
Wiilka illaah oo kaliya ayaa garan kara malaa,igaha si shaqsi ah.
Waxaa jiray laba iyo toban xer oo wax walba uga tagay inay ciise raacaan.
Ciise wuxuu diyaar u ahaay inuu baro xertiisa,sida dadka kale loola wadaago akhbaartawanaagsan ee boqortooyada illaah iyo qorsha illaah ee dembilayaasha.

Haddaba walaalayaal Rabbigu qorshe ayuu noo hayaa hadaan nahay dembileyaal gaariwaayay ammaanta iyo qudduusnaanta Illaah.
Ukaalaya Masiixa.
Rabbigu ha idin barakeeyo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.