CIISE WUXUU BOGSIIYEY NIN BARAS QABA!

Ciise ayaa sidoo kale sii waday inuu bogsiiyo kuwa buka .
Ninkii bukay ee baraska lahaa (Juudaanka qabay), ayaa u yimid Ciise Wuuna jilba joogsaday oo baryay Ciise in uu maqaarkiisa nadiif uga dhigo, waayo silac iyo kalinimo ayuu kunoolaa oo dadka baraska qaba looma ogalayn inay dadka ku dhex noolaadaan.

waxay ahayd inay magaalooyinka iyo tuulooyinka ka fogaadaan, Waxa uu ku yidhi:- Waxaan ogahay inaad i bogsiin karto haddii aad dooneyso . “Ciise aad ayuu uga murugooday ninkaas,Markaasaa Ciise yiri waa doonayaa.
Isla markaasna gacanta ayuu saaray oo wuu bogsiiyey ninkii Baraska qabay. Midabkiisii ayaa usoo noqday oo nadiif ayuu noqday (Markoos 1:42).

Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo wadaadka istus … si uu cadeeyo inaad caafimaaday.
markaas kadibna wuxuu wuxuu xaq u yeelanayey inuu Qoyskiisii iyo dadkiisii dib ula midoobo, Sidaas darted mardambe qabuuraha iyo cidlada kuma noolaan doono asagoo ku dhawaaqaya waan Nijaasaysnahay ! waan Nijaasaysnahay! Ciise wuxuu isku dayay inuu ninkaas ku qanciyo inuusan arrintaan dad kale la wadaagin amaba u sheegin (Markoos 1:44).

Laakiinse ninkii qof kasta oo uu la kulmayba wuu usheegay wixii dhacay. Muddo dheer Ciise wey ku adkayd inuu isaga kala gudbo amaba isaga kala safro meelaha qaar waayo dad badan ayaa sugayay oo doon doonayay (Markoos 1:45).
Fadlan aan dadka la qaybsano wanaaga Rabbigu noo sameeyey.

3 thoughts on “CIISE WUXUU BOGSIIYEY NIN BARAS QABA!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.