Markhaati furkii Raage

Waxaan Ku dhashay Wadanka Soomaaliya,Waxaan ka dhashay Reer Muslim ah oo aan Diinta Muslimka ayagu dooran balse ay ka dhaxleen Awoowayashood,aniguna sidii baan ku qaatay diintii Islaamka aniga oo garanaynin diin kale amaba aanan lahayn dooq iyo kala doorasho,Nasiib wanaag waxaa i dooratay inay i korsadaan Reer Masiixi ah oo Adeerkay qoyskiisa ah,Kadib waxaan layaabay wanaaga iyo nolosha Raxmada leh ee ay ku nool yihiin guri nabdoon,Ixtiraamka qoyska aad yaabayso markaan xoogaa caqliyeystay ayaan weydiiyey bal diintaan ay aaminsanyihiin inay wax iiga sheegaan,waxay ii sheegeen in jaceylkoodu iyo wanaagoodu uu ka yimaado Ciise Almasiixi.

 

Waxaan weydiistay inay ibaraan wax ku saabsan Ciise Almasiixi,waxay ibareen sidii bini-aadanku u dambaabay iyo sidii Ilaah jaceylkiisa dartiis uu u go,aansaday inuu noo soo diro wiilkiisa Madiga ah,si uu dembiyadeena ugu dhinto oo Ilaaha Aabaha ah aan uga helno cafis aana dib u helno Ilmanimadii Ilaaha nool iyo jaceylkiisa weynaa oo aan xariirkeena usoo ceshano aan la lahayn Aabaheena Jannada kujira.

 

Markaan intaas fahmay ayaan dhahay maxaan sameeyaa haddaba si aan haddiyadaan qaaliga ah u helo oon u hanto,waxaa qoyskeyga wanaaga badnaa igu dhaheen waa inaad rumaysato in Ciise Almasiixi yahay Badbaadiyahaaga shaqsi ahaaneed,oo uu yimid dunnida si uu dembiyadeena u qaado Inuu ku dhintay iskutallaabta korkeeda dadka dembigooda aawadiis asogoo wax dembi ah lahayn,inuu dhintay oo la duugay ,inuu maalintii Saddexaad kasoo sara kacay qabrigii ,Inuu Jannada tagay oo uu fadhiyo Aaabaha qaadirka ah Gacantiisa midig uuna leeyahay amar oo dhan waxa Jannada kujira iyo waxa dunida jooga ,inuu soo noqon doono si uu u xakumo kuwa dhintay iyo kuwa nool.

 

Halkaas ayaan ku qirtay Iimaanka Masiixiyada ,Maalintaas ayaa la ii bilaabay cashar Babtism ah,Aakhirkiina waa lay Babtiisay ama biya ayaa lay Maquuray anigoo aaminaya in jirkaygii hore  ee dembilaha ahaay aan ka dhintay kadibna aan biyahii kasoo baxay anoo jir cusub iyo nolol cusub laygu siiyey Ciise Masiixi, taasi waa qirasho iyo muujin inaan aaminsanahay dhimashadiisii iyo sarakicidiisiba.

 

 

 

Halkaas ayay iigu bilaabatay nolol cusub oo Masiixiyad ah,waxaan  bilaabay inaan iska cafiyo dadkii aan necbaan jiray ,waxaan dareemay farxayd iyo raynrayn.iyo weliba inaan Kitaabka Bibleka barto,Maalinkasta Ruuxa ayaan ka korayay,anigoo si cusub u baranaya Ciise Almasiixi oo weliba waxyaabihii xumaa iskadhaafaya,oona jecel inaan dadka u sheego nuurka iyo iftiinka aan helay,

 

Waxaan bilaabay inaan u arko waxyaabaha si sidii hore kaduwan inaan ufakaro si sidii hore kaduwan ,waxaan dareemay in lay cafiyay,waxaan bilaabay inaan dadka u sheego wanaaga uu Ciise Almasiix  ii sameeyey,waxaan niyada iska dhahaa haddii walaalahayga Soomaalida ama Muslimiinta ama kuwa diimaha kale haysta ay wanaagaan arki lahaayeen dunidaan waxay noqon lahayd mid wanaagsan,Sidaas ayay tahay sababta aan dhambaalkaan ama fariintaan aan jecelahay inaan idinla qaybsado walaalayaal.

 

Haddaba walaalayaal waxaan doonayaa inaan idinla qaybsado ama idiin sheego Ilaah ima dhihin haddaad Masiixi noqoto taajirbaan kaa dhigayaa balse wuxuu ii balan qaaday haddaad i aaminto anna waan kula jirayaa ilaa dhamaadka,ana waxaan qalbiga  iska dhahay haddii Ilaah ila jiro yaa iga hor imaan kara (Rooma 8:31)

Walaalayaal Rabbigu ha idin barakeeyo .

Waa walaalkiin Raage oo idin leh kusoo dhawaada Reerka Ciise Almasiix,Farxa oo reeyreeye waayo boqortooyada Ilaah wey dhowdahay.

Waan idin Jeclahay oo waxaan idinku jeclahay Magaca Ciise Almasiix dartiis.

 

3 thoughts on “Markhaati furkii Raage

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.