Tobanka Amar

Amarka Koowaad

    Aniga mooyee waa inaanad Ilaahyo kale yeelan.

Waa maxay tan macnaheedu ?  Waa inaan uga cabsano, u jeclaano, oo u aaminno Eebbe si ka weyn wax kasta oo kale.

Amarka Labaad

     Waa inaanad si xun u adeegsan  magaca Rabigaaga Ilaahaaga ah. 

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaano, Eebbe oo aynaan ku habaarin, ku dhaaranin, fal shaydaameed ugu adeegsan, ka been sheegin ama wax ku sirin magaciisa, laakiin aan magaciisa soo qaadno markasta oo aan dhibtoono, tukaneyno, amaanayno, ama aan mahadinayno.

Amarka Saddexaad

    Xusuuso maalinta Sabtida inaad quduus ka dhigto.  

Waa maxay taa macnaheedu? Waa inaan Rabbiga ka cabsanno, jeclaano, oo aynaan xaqirin wacdinta iyo Eraygiisa, laakiinse aan muqadas ka dhigno oo si farxad ku dheehan tahay u maqalno una barano.

Amarka  Afraad

     Aabahaa iyo hooyadaa maamuus.

Maxaa tan micnaheedu yahay? Waa inaan ka cabsanno oo jeclaano Rabbiga , oo aynaan aflagaadayn ama ka cadhaysiin waalidkeen iyo dadka madaxda ah ee inaga sareeya, laakiin waa inaan maamuusno oo u adeegno, oo aan adeecno, oo waliba aan jeclaano.

 

Amarka Shanaad

     Waa in aadan qudh goyn.  

Tan micnaheedu waa maxay? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, oo aynaan dhaawac ama dhib ama hagardaamo u geysan jidhka deriskeenna, laakiin aan ku taageerno kuna caawinno wax kastooy u baahan yihiin jidh ahaan.

 

Amarka Lixaad

     Waa inaanad sinaysan.      

Waa  maxay  tan micnaheedu? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, si aan saafi uga ahaano macsida tan afka iyo tan galmada labadaba, oo waa in ninka iyo naagta isu xaaska ahi ay is jeclaadaan oo is xurmeeyaan .

 

Amarka Toddobaad

     Waa inaanad wax xadin.     

Waa maxay tan macaaheedy? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, oo aynaan qaadan lacagta ama hantida deriskeena ama aynaan ka khaa’imin, laakiin aan ku caawino siday u hagaajin lahaayeen una ilaashan lahaayeen hantidooda iyo dakhligooda.

 

Amarka Sideedaad

   Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.      

Waa maxay tan micnaheedu?  Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, si aynaan deriskeena uga been sheegin, u khiyaamayn, u ceebayn, oo sumcaddiisa wax ugu dhimin, laakiin waa in aan deriskeena difaacnaa, oo aan hadal fiican ka sheegno, oo aan wax walba si naxariis leh uga sheegno.

 

Amarka Sagaalaad

     Waa inaanad damcin guriga deriskaaga.     

Maxay tahay tani micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaanno Rabbiga, si aynaan u khidadeyn in aan hello ama qaadano dhaxalka deriskeena ama gurigiisa ama aynaan ugu qaadan si been abuur ah oo run loo ekaysiinayo, laakiin waa in aan ku caawino deriskeenna siduu u dhowran lahaa hantidiisa.

 

Amarka Tobnaad

     Waa  inaanad damcin xaaska deriskaaga, ama adoonkiisa, ama adoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay.     

Waa  maxay tan micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaanno, Rabbigeenna si aynaan u shukaansan ama aynaan u xoogin deriskeenna naagtiisa, shaqaalihiisa, ama xoolihiisa ama aynaan ugu dirin isaga, laakiin waa inaan u sheegnaa oo aan ku waaninaa inay la joogaan oo ay waajibkooda gutaan.

(Qoraalka Amaradan waxaa laga soo qaatay kitaabka Baxniintii 20:3,7,8,1217.)

 

Gabagabada Tobanka Amar

Muxuu Eebbe ka yidhi dhammaan  Awaamiirta?  Wuxuu leeyahay: “Aniga, oo ah Rabbiga Eebbahaaga ah waxaan ahay Ilaah maseyrow ah, oo u ciqaaba caruurta dembiyadii  aabayaashood tan iyo farcanka sadexaad iyo kan afraad ee  kuwa aniga I naca laakiin jaceyl ayaan u muujiyaa kumanaan eh kuwa aniga I jecel ee ilaaliya awaamiirteyda.” (Baxniintii 20:5-6)
Waa maxay tani micnaheedu? Eebbe wuxuu ku hanjabay in uu ciqaabi doono dhammaan kuwa jebiya Awaamiirtaas.  Sidaa darteed waa inaan ka cabsano, oo aynaan sameyn wax kasta oo ka soo horjeeda awaamiirtaas.  Laakiin wuxuu Rabbigu u balan qaadayaa raxmad iyo barako dhammaan kuwa dhowra amarradaas.  Haddaba waa inaan  jeclaano, oo aammino Rabbiga, oo si farxad leh u fulino waxa uu inagu amray.

 

Ilaah ha ku barakayo!

1 thought on “Tobanka Amar

  1. Muhammed Reply

    Rabbiga ha ku barakeeyo oo ha kula jiro oo Ruuxiisa quduuska ahna haku hago bixitaankaaga ii imaanshahaagaba .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.